Sawirro: Abaaraha oo sababay barkaca qoysas badan

Lahaanshaha sawirka Mustafa Saeed

Sawir qaade Mustafa Saciid ayaa muddo 8 maalmood ah ku qaatay Somaliland isagoo sii raacay shaqaalaha hay'adda save the Children. Wuxuu la kulmay xooladhaqato xoolohoodii ay laysay abaarta.

kumanaan caruur ah ayaa waxaa ku dhacday nafaqo darro. Qoysas badan ayaa nonol maalmeedkoodii ciriiri galay ka dib markii ay waayeen xoolahoodii.

lix iyo toban milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya, Kenya, Itoobiya, iyo South Sudan ayaa u baahan cunto, biyo iyo dawo sida uu sheegay guddiga masiibooyinka iyo xaaladaha deg degga ee fadhigiisu yahay UK.

Lahaanshaha sawirka Mustafa Saeed

Shukri

Lahaanshaha sawirka Mustafa Saeed

Ka dib markii inta badan xoolaheedii ay dhammaadeen, Shurki waxay la soo carartay laba ka mid ah seddax carruur ah oo ay dhashay oo waxay soo dagtay afaafka hore ee garoonka Burco iyadoo rajo ka qabto in dhowr neef ooo ido ah oo u soo haray ay halkaa ka heli doonaan daaq. Balse idihii way dhinteen oo hadda wax u soo haray ma lahan.

Fardooso

Lahaanshaha sawirka Mustafa Saeed

In badan oo ka mid ah dadka ay xoolahoodii ka dhamaadeen waxa ay nolol u raadsanayaan magaallooyinka sida Ceynabo iyagoo rajo ka qabo inay gargaar cunto ka heli doonaan dadka deegaanka iyo hay'adaha caalamiga ah.

Fardoos waxay tiri : " Markii ay xoolaha naga dhamaadeen, waxaan waynay cunto, biyo iyo hoy. Halkan waxaan u imid inana caruurteyda u raadiyo wax ay cunaan."

Saado

Lahaanshaha sawirka Mustafa Saeed

Saado waxay ka soo qaxday gobolka beri ee Somaliland ka dib markii xoolaheeda oo tiro gaarayay ay ka dhamaadeen. Afar ka mid ah caruurteeda ayay la dagtay Dilla oo ku taalla galbeedka Somaliland halkaasoo haddana xoolihii u soo haray qeyb ka mid ah ay ku la'deen. 50 neef oo ido iyo riyo isugu jira ayaa u soo hartay. Aad ayaay u jilicsan yihiin oo suuq lama gayn karo, caanana inay soo saaraan warkooda daa.

Mid ka mid ah carruurta Saado ayaa lagu arkay nafaqo darro.

"Baahideena ugu wayn waa cuno, ayay tiri Saado."

Khadra Maxamed

Lahaanshaha sawirka Mustafa Saeed

"Xooladhaqato ayaan ahayn markii ay abaartu dhacday. Dhammaan xoolihii aan lahayn ayaan weynay. Halkan ayaan dabadeedna u soo cararnay," ayay tiri Khadra.

"Guri halkan kuma lihin. Cooshada ayaan ku noolnahay. Dad ayaa na amaahiyay cunto. Hay'ado caalami ah ayaa sidoo kale halkan nagu caawiyo.''

Deeqa

Lahaanshaha sawirka Mustafa Saeed

Deeqa qoyskeeda waxaa hortooda ku dhintay 100 neef oo lo' ah, dhowr neef oo riyo ah ayaa u soo hartay' iyagana aad ayay daciif u yihiin oo wax qiimo ah oo ay u leeyihiin ma lahan.

Indhodeeq

Lahaanshaha sawirka Mustafa Saeed

ka dib markii ay xoolahooda ka dhammaadeen, qoyska Indhodeeq waxay hoy u raadsadeen magaalada Kiridh. Dadka magaalada ayaa ugu deeqay hoygan ku meel gaarka ah.

Indhodeeq xoogaa lacag ah ayaa waxaa siisay hay'adda Save the Children. lacgtaas ayay qoyskani ku gateen xoogaa cunno, caano iyo dawo ah.

Waxaa sawirkan Indhodeeq ku wehliyo mid ka mid ah gabdhaha ay ayayda u tahay oo dhabteeda saaran, ninkeeda, Nuur oo indhoole ah iyo gabadheeda Hodan oo dhawaan xanuusatay ka dib markii ay umushay.

Hodan

Lahaanshaha sawirka Mustafa Saeed

Hodan, oo ah hooyo shan caruur ah dhashay waxaa dhabta u saaran wiilkeeda Haaruun oo 2 sano jir ah. Waxay ku suganyihiin magaalada Kiridh Haaruun oo indhoole ah waxaa ku dhacday nafaqo darro. Waxay dadaal ugu jirtaa sidii ay Haaruun dawo ugu heli lahayd, caruurteeda kalena u quudin lahayd.

Ubax

Lahaanshaha sawirka Mustafa Saeed

Ubax waxay ka mid ahayd dad loo qeybiyay xoogaa cunno ah balse ma heysato hoy iyo biyo ay cabto.

Waxay tiri: " Way dhammaadeen inta badan arigii iyo geelii aan lahayn. Ninkeyga ayaa geelii soo haray u qaaday suuqa xoolaha. Waxaan halkan nimid inagoo rajo ka qabno in hay'adaha gargaarka ay na diwaangelin doonaan si ay gargaar inoo siiyaan.''

Fadumo

Lahaanshaha sawirka Mustafa Saeed

ka dib markii uu ninkeeda furay, Faaduma waxay u safartay tuulo ku taalla duleedka Yogoori. Waxay wadataa seddax caruur ah oo ay dhashay. Wiilkeeda, Kulmiye oo hal sano jir ah waxaa lagu arkay nafaqo darro. Faaduma waxay ka mid tahay dad ay hay'adda Save the Children u diwaangelisay inay siiso lacago caddaan ah si ay nolosheeda ugu maareyso.

Mowduucyada la xiriira