UNHCR oo dalbatay baaritaan laagu sameeyay qaxootigii Soomaalida ee Yaman lagu laaayay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

UNHCR oo dalbatay in baaritaan laagu sameeyo Soomaalidii Yaman lagu laayay

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa ku baaqday in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo duqeyntii loo geystay qaxooti Soomaali ah oo todobadkii aynu soo dhafnay dooni ay sarnayeen loogu geystay xeebaha dalka Yemen.

Qaxootigaas ayaa la sheegay in ay wateen warqado aqoonsi rasmi ah oo ay bixisay hay'adda UNHCR, waxa ayna ku sii jedeen dalka Suudaan kahor inta aanay weerarin diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah.

Haddaba baaqan ayaa waxaanu ka wareysanay Ergeyga Gaarka ah ee UNCHR u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Maxamed Cabdi Affey oo khadka teleefoonka ugu waramay Maxamuud Cali Maxamed.

Gantaal Yemen ku dilay in ka badan 30 Soomaali ah oo doon saarnaa

Xuutiyiinta oo haya Soomaalidii ka badbaaday doontii lagu weerarray Yemen

Yemen: Tobanaan qof oo maqan kadib doon dagtay

Xabad joojinta Yaman oo la carqaladeeyay

Mowduucyada la xiriira