Aabe dhalay mid ka mid ah dadkii ku dhintay doonidii lagu duqeeyay Yemen oo BBC u warramay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Aabe dhalay mid ka mid ah dadkii ku dhintay doonidii lagu duqeeyay Yemen oo BBC u warramay

Todobaad ayaa laga joogaa markii diyaarad nooca qumaatiga u kaca ay duqeyn ku dishay ugu yaraan 40 qof oo qaxooti Soomali ah oo saarnaa dooni maraysay xeebaha dalka Yemen, sideetameeyo kalana ay ku dhaawacmeen.

ilaa haatan ma ay jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkaasi, hasayeeshee hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo dhacdadaasi ay ku dhinteen dumar, caruur iyo dhalinyaraba.

Aadan Ibraahim Biixi, waa Aabe dhalay mid ka mid ah Allaha u naxaristee dhalinyaradii doontaasi ku geeriyootay, waxa uu u waramay Axmed Ibrahim (Nagaashe) oo ugu horeyn weydiiyay sida uu ku ogaaday in wiilkiisa dhintay.