England iyo Jermalka oo kubadda iska kaashanaya

Gareth Southgate Lahaanshaha sawirka .

Hay'adaha maamula kubadda cagta ee England iyo Jermalka ayaa samaysanaya hab ay ku wadaagaan fikradaha garsooreyaasha, horumarinta dhallinyarada iyo arrimaha maamulka.

Labadan hay'adood ee arrimaha kubadda cagta ayaa ku heshiiyay in ay sanadkiiba mar kulmaan muddo labo sano ah.

Waxayna wada sixiixdeen is afgarad si degdeg ah loo dhaqan galindoono

Jermalka ayaa hadda difaacanaya Koobka Adduunka.

"Labada hay'adoodba waxay leeyihiin khibrad mug wayn" ayuu yiri Reinhard Grinde oo ah madaxweynaha hay'adda maamusha kubadda Jermalka ee magaceeda loo soo gaabiyo DFB.

Grindel wuxuu intaas ku daray in hay'adaha kubadda cagta ee DFB iyo FA-guba in ay ka faa'iidi doonaan is kaashigan, gaar ahaan buu yiri horumarinta dhallinyarada marka ay timaado.

Tababaraha England, Gareth Southgate ayaa isna ka hadlay sida ay ugu baahan yihiin in maskaxdoodu ay qabatinto guusha, taas oo uu sheegay in ay guul ku gaareen qaranka Jermalku.