Saraakiil ka tirsan Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo Rwanda oo aqoon kororsi loogu soo gebagabeeyay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Saraakiil ka tirsan Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo Rwanda aqoon kororsi loogu soo gebagabeeyay

Magaalada Kigali ee dalka Rwanda waxaa dhawaan aqoon kororsi loogu soo gaba-gabeeyay wafdi ka socda Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

Wafdigan oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee hay'addaasi, korneel Maxamed Aadan Koofi, ayaa ujeedada socdaalkooda waxa lagu sheegay inuu ahaa in ay khibrad ka soo qaataan qaabka ay u shaqeyso dhiggooda Rwanda.

Dalkaasi Rwanda ayaa muddo sanado ah soo maray dagaal sokeeye oo ka daran midkii Soomaaliya, balse haatan waxa uu ku tallaabsaday horumar la taaban karo oo dhinac walba ah.

Haddaba Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya maxay ka baran kartaa Rwanda? Su'aashaasi iyo kuwo kale ayuu Cabdifitaax Ibraahim Cagayare weydiiyay agaasimaha guud ee hay'addaasi, korneel Maxamed Aadan Koofi, oo nagu soo booqday istuudiyahayaga Nairobi, waxa uuna marka horey weydiiyay waxa ay Kigali u tageen?