Booqashada Marine Le Pen ee Ruushka

Marine Le Pen ayaa rabta in Midawga Yurub uu xayiraadda ka qaado Ruushka Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Marine Le Pen ayaa rabta in Midawga Yurub uu xayiraadda ka qaado Ruushka

Marine Le Pen oo ah gabadha madaxweynenimada ugu tartamaysa xisbiga ay afkaartiisu midigta fog jirto ee Faransiiska ayaa wadahallo la leh Ruushka.

Hogaamiyaha xisbiga National Front ayaa la kulmi doonta xildhibaannada Ruushka, laakiin ma cadda in ay wadahadal la yeelan doonto madaxwayne Vladimir Putin.

Le Pen ayaa aad u danaynaysa in ay xiriir xoog badan yeeshaan Faransiiska iyo Ruushka, waxayna doonaysaa in Midawga Yurub uu xayiradda ka qaado Ruushka, arrintaas oo timid ka dib markii uu Ruushku Crimea ku darsaday dhulkiisa oo uu kala wareegay Ukraine.

Xafiiska looga arrimiyo Ruushka ee Kremlin ayaana u muuqda in uu la hayo Le Pen, sida uu sheegayo weriyaha BBC.

Booqashada ay Le Pen ku tagtay Ruushka ayaa noqonaysa middii afraad tan iyo 2011kii, tanina waxay ku soo aaday ka hor doorashada madaxtinimo ee Faransiiska oo labo wareeg ah lana kala qaban doono 23 bisha Abriil iyo 7 bisha May.

Markaste oo ay booqato magaalada Moscow-na waxaa loo muujiyay xurmo ay ka heli karto caasimado kale oo aad u tiro yar, sida uu sheegayo weriyaha BBC Hugh Schofield oo ku sugan magaalada Paris.