Hogaamiye kooxeed hore oo lagu amray inuu bixiyo 1 milyan oo doolar

Germain Katanga looks on during the closing statements in his trial, at the International Criminal Court (ICC) in The Hague on May 15, 2012. Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Germain Katanga is serving a 12-year prison sentence

Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah ee ICC ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ayaa markii ugu horreysey amartay in magdhow lacag ah la siiyo dadka wax ku noqday dembiyada dagaallada ee ka dhacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo.

Xukunkan ayaa saameynaya dad ka badan 300 oo ay waxyeelo ka soo gaartay weerar lagu qaaday tuulada Bogoro sanaddii 2003-da.

Dagaal ooge Germain Katanga oo ay maxkamada denbiyada caalamiga ahi ku xukuntay 12 sanadood kadib markii lagu helay dembiyo ka dhan ah aadanaha iyo dembiyo dagaal intii uu socdey dagaalkaasi ayaa la filayaa in uu bixiyo hal millyan oo doolar.

Qareenkiisa ayaa haseyeeshee sheegay in Katanga uusan awoodin inuu bixiyo lacagtaasi.

Maxkamada ayaa go'aamisay in qofkiiba la siiyo 250 doolar halka lacagaha soo harayna loogu sameyn doono masharaaiic dhibanayaasha weerarradii uu ninkani geystay.

Katanga oo hadda ku jira xabsi ku yaalla Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa xukunkan waxa uu kala socday muuqaal laga baahinyay maxkamadda.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan