WHO oo billowday ololihii ugu ballaarnaa ee tallaalka cudurka dabeysha

Cudurka debysha Lahaanshaha sawirka AP

Hay'adda caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa maanta billowday olole talaal oo ka dhan ah cudurka debeysha oo lagu bartilmaameedsanayo boqol milyan oo caruur ah oo ku nool qaaradda Afrika.

Hay'addu waxa ay sheegtay in ololahan uu qeyb ka yahay dadaalka lagu doonayo in lagu xakameeyo cudurkan oo dhawaan ka dillaacay waqooyiga Nigeria.

Ilaa iyo afar caruur oo ku nool gobolka Borno ee waqooyi beri Nigeria ayaa lagu arkay cudurkan oo qarka u saarnaa in la ciribtiro.

Qorshuhu wuxuu yahay in ololahan la gaarsiiyo canug kasta oo da'diisu ay ka yartahay shan sano oo ku nool galbeedka iyo bartahama Afrika afarta maalmood ee soo socoto.

Barakac ballaaran oo ka dhashay collaada Boko Xaraam ay ka wado waqooyiga Nigeria ayaa dhaliyay cabsi ah in cudurkan aadka u faafi og uu ka dillaaco guud ahaan gobolka.

Cudurka debeysha wuxuu si gaar ah u saameeyaa caruurta wuxuuna sababi karaa naafo joogta ah.

Qaaradda Afrika ayaa rajeynaysay in muddo 12 bilood gudahood ah lagu cirib tiro cudurkan oo curyaamiyay carruur tiro badan isla markaana qaar kale ayba u dhinteen.

Cudurka dabaysha oo lagu arkay Nigeria

Tallaalka dabeysha oo Afghanistan ka bilowday