Waraysi:  Dib u celinta qaxootiga
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi: Dib u celinta qaxootiga

Arrimaha qaxootiga Soomaaliya ee ku sugan xeryaha qaxootiga ee ku yaal gobolka Geeska Afrika ayaa markii ugu horraysay looga hadlay kulan heer madaxweyne ah oo qayb ka ahaa shir madaxeedkii Nairobi lagu soo gabageeyey ee ay isugu yimaadeen madaxda urur-goboleedka IGAD.

Gunaanadkii shirkaas ka dib ayaa guddoomiyaha hay'adda qaxootiga iyo barakacayaasha qaranka, Axmed-daahir C/kariim Nuur, wuxuu BBC u sheegay in ay dhiirri galinayaan in qaxootigu ay iskood dalka dib ugu laabtaan. Maxamed C/raxmaan Sheekh ayaa weydiiyey waxa uu shirkaasi kaga duwan yahay kuwii ka horreeyey ee lagaga hadli jiray arrimaha qaxootiga.