Dagaalyahanada Suuriya oo "daacish ka qabsaday garoon" ku dhow Raqa

Ciidamada Dimuquraadiga ee Suurya (SDF) ayaa Raqa ku sii durkaya Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ciidamada Dimuquraadiga ee Suurya (SDF) ayaa Raqa ku sii durkaya

Xoogagga mucaaradka ee garabka ka helaya Mareykanka ee isugu jira Carab iyo Kurdiyiin ayaa ururka la baxay Khilaafada Islaamka ka qabsaday garoon diyaarado oo ku dhow magaalada Raqa

Qabsashada ayaa loo arkaa in ay tahay tallaabo muhiim ah oo la xiriirta dagaalka daacish looga saarayo magaalada Raqa, oo ah xaruntooda ugu weyn.

Talal Sello, oo ah afhayeenka xoogagga SDF, wuxuu sheegay in ay daacish ka saareen garoonka Tabqa.

Dagaalka oo Kurdiyiinta ay hogaaminayaan wuxuu ku sii dhowaanayaa magaalada, dhanka hawadana waxaa ka taageerayo diyaaradaha Mareykanka.

Si kastaba, dadka u doodo xuquuqda rayidka waxay muujiyeen walaac la xiriira badqabka shacabka ku nool deegaanada lagu dagaallamayo.

Ururka kor kala socdo xaaladda Suuriya ee fadhigiisu yahay UK wuxuu sheegay in duqeymaha xulafada ay dileen 89 qof oo shacab ah, isbuucii tagay oo keli ah.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dhismayaal dumay oo ku dhow magaalada Raqa

Qabsashada garoonka waa guushii ugu horeysay ee ay gaaraan SDF, tan iyo markii uu bilowday duullaanka.

Gegida diyaaradaha ee Tabqa waxay daacish qabsatay bartamihii 2014-kii. Waxay ka dib ka fuliyeen mid ka mid ah tacaddiyadii ugu xumaa ee ururkaasi lagu eedeeyay.

Waxaa la sheegaa in lagu laayay ciidamadii Suuriya ee lagu qabsaday dagaalkii ka dhacay gegida Tabqa.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan