Koonfurta Kuuriya oo dooneysa in ay xirto madaxweynihii hore Park Geun-hye

Ms Park waa madaxweynihii ugu horeeyay ee xafiiska xoog looga saaray Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Ms Park waa madaxweynihii ugu horeeyay ee xafiiska xoog looga saaray

Dacwad oogayaasha dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa waxay doonayaan in la jaro warqad lagu soo xiro madaxweynihii hore Park Geun-hye.

Waxay ku eedeynayaan in ay door ku lahayd fadeexad musuqmaasuq oo sababtay in xilka laga qaado.

horraantii bishan, waxaa laga qaaday xilka madaxweynaha ka dib markii maxkamad dastuuri ah ay taageertay go'aankii baarlamaanka uu shaqada uga ceyriyay madaxweynaha.

Park waxaa lagu eedeynayaa in haweeney ay saaxiib yihiin oo lagu magacaabo Choi Soon-sil, u ogolaatay in ay lacag baad ah ka qaadato shirkadaha waaweyn.

Ms Park ayaa beenisay eedaha loo jeediyay.

Madaxweynihii hore ee Koonfurta Kuuriya ayaa isbuucii tagay shacabka ka raaligelisay wixii dhacay.

Maamulka dalkaasi ayaa su'aalo weydiinayay Ms Park, 14 saacadood oo xiriir ah.

"Dacwadda aad ayey u culustahay maadaama qofka laga shakisan yahay ay ku xadgudubtay awoodda, ayadoo adeegsaneysa awoodda shaqada ay haysay ee maamulka iyo madaxweynenimada," ayay ku sheegeen dacwad oogayaasha qoraal ay soo saareen.

Dacwad oogayaasha waxay ku doodayaan in cadeymaha la baabi'in karo, haddii aanan la xirin Ms Park.

Saaxiibteed, Ms Choi, waxaa lagu oogay dacwad ah laaluush iyo musuqmaasuq, welina waxay saarantahay maxkamad.

Maxay tahay sababta ay Park u waysay shaqadeeda?

Sheekada oo dhan salkeedu waxay tahay saaxiibtinimada ka dhexeyso Ms Park iyo Ms Choi.

Choi waxaa loo haystaa in ayadoo adeegsaneysa xiriirka ay madaxweynaha la laheyd ay shirkadaha ku cadaadisay in ay siiyaan malaayiin dollar oo loo adeegsaday hay'ado ay ayada maamusho.

Dadka loo xiray fadeexaddaasi aawadeed waxaa ka mid ah ku xigeenka madaxa shirkadda telefoonada ee Samsung.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ms Choi (bartamaha) waxaa lagu eedeeyay qaadashada laaluush iyo musuq

Park, oo 65 sano jir ah, waxaa lagu eedeynayaan in shaqsi ahaan ay arrinta ugu lug lahayd.

Waxaa lagu eedeeyay in Ms Choi ay siisay galaangal ay ku gaartay heer aan la aqbali karin iyo in ay qaadatay dukumiintiyada dowladda.

Baarlamaanka dalkaasi ayaa bishii December u codeeyay in Ms Park xilka laga qaado.

Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa 10-kii March sheegtay in ficilka Ms Park uu ahaa "halis ka dhan ah dimuquraadiyadda iyo sharciga Koonfurta Kuuriya".

Xaakimka wuxuu sheegay in ay Ms Choi ay u ogolaatay in ay dhexgasho arrimaha qaranka, ayna ku xadgudubtay xeerka sirta, sidoo kalena ay dusisay tiro dukumiintoyo muhiim ah.

Madaxweynihii hore ayaa diiday in Ms Choi ay fursad u heshay arrimaha qaranka, waxay sidoo kale beenisay dhammaan eedaha..

Waxay taasi bedelkeeda eedeysay kuwa shaaciyay arrimaha la xiriiro musuqa loo haysto.

Hadda maxaa dhacaya?

Maxkamadda dhexe ee Seoul ayaa hadda eegeyso haddii la xirayo madaxweynihii hore oo warqadda la jarayo.

Haddi la amro in la xiro, dacwad oogayaasha waxay haystaan 20 maalmood oo ay baaritaankooda ku dhammeeyaan, ka dibna ay gudbiyaan dacwadda, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Markii ay madaxweynaha ahayd, waxay ku naalooneysay xasaanadda la siiyay, waxayna si joogto ah u diiday in ay ka jawaabto su'aalaha waaxda dacwad oogidda.

Balse hadda waxay wajeheysaa dacwado kala duwan oo ay ka mid yihiin, ku xadgudubka awoodda madaxweynenimo, qasbid iyo jujuub, qaadashada laaluush iyo dusinta dukumiintiyada muhiimka ah ee dowladda.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan