Ninka uu Trump sodogga u yahay oo hogaamin doono xafiiska dib u habeynta federaalka Mareykanka

Mr Kushner waxaa loo magacaabay lataliyaha sare ee siyaasadda Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Mr Kushner waxaa loo magacaabay lataliyaha sare ee siyaasadda

Madaxweyne Donald Trump ayaa la filayaa in uu shaaciyo qeyb cusub oo ka mid ah Aqalka Cad oo u qaabilsanaan doonto dib u habeyn lagu sameeyo hannaanka federaalka ee Mareykanka.

Qeybtaas waxaa la filayaa in uu hogaamiyo wiilka uu sodogga u yahay Trump ee Jared Kushner.

Wargeyska Washington Post oo ka warramay tallaabadan cusub, wuxuu ku tilmaamay xafiiskan cusub "kooxda burburinta" ee maamulkii hore ee ganacsiga gaarka ah.

Xafiiskan cusub wuxuu lahaan doonaa awood ballaaran oo uu wax uga badalayo hannaanka dowladda, sida wargeyska uu daabacay.

Mr Kushner wuxuu Washington Post u sheegay in "dowladda ay tahay in ay u shaqeyso sida Shirkad weyn oo Mareykan ah".

"Waxaan rajeyneynaa in aan gaarno guusha iyo wanaagga macaamiisheena oo ah muwaadiniinta," ayuu yiri.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Kushner wuxuu qabaa gabadha madaxweyne Trump oo lagu magacaabo Ivanka

War qoraal ah oo loo diray wargeyska Washington Post, Madaxwetne Trump wuxuu ku sheegay in xafiiska cusub uu fulin doono waxyaabihii uu ololaha ku ballanqaaday.

"Dowladda oo la curyaamiyo ayaa hortaagan awoodeena aan sida wanaagsan ugu shaqeyn lahay, aalaaba waxay sameeyaan ciriiri iyo dib u dhacyo", ayuu yiri Trump.

Wuxuu tilmaamay in xafiiska cusub uu u suuragelin doono in uu "horey ugu socdo jadwalkiisa" ee dowladda uu ugu talagalay.


Warar la xiriira

Trump oo wiilka uu sodogga u yahay ka dhigay lataliye

Maxay ku dhacday in mushaarka Trump uu hal doolar noqdo?

Gabdhaha awoodda badan ee ay madaxweynayaashu dhaleen


Jared Kushner oo 36 sano jir ah, wuxuu ka shaqeeyaa maalgashiga dhulka, wuxuuna guursaday gabadha uu dhalay Donald Trump oo lagu magacaabo Ivanka.

Hadda wuxuu madaxweynaha kala taliyaa xiriirka caalamiga ah, waxaana la sheegaa in Trump uu ka caawiyay ololihii uu u galay doorashadii November.

Ninka ugu sareeya dhinaca istiraatiijiyadda ee Aqalka Cad, Steve Bannon, ayaa la filayaa in uusan door ku lahaan doonin kooxda cusub.

Mr Bannon ayaa horey ugu baaqay "baabi'inta ismaamul goboleedyada" taas oo dareen weyn dhalisay.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan