Shacabka Turkiga ee Yurub oo billaabay in ay codeeyaan

Nin codkiisa ka dhiibanaya sanduuqa codeynta oo yaalla Jarmalka Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Nin codkiisa ka dhiibanaya sanduuqa codeynta oo yaalla Jarmalka

Shacabka Turkiga ee ku nool lix dal oo Yurub ah ayaa billaabay in ay codkooda ka dhiibtaan aftida, ayadoo ololihii arrintaasi ku saabsan uu sababay muran caalami ah.

Dadka ayaa u codeynaya haddii ay doonayaan in Turkiga uu ka wareego awoodda baarlamaanka oo la kordhiyo midda madaxweynaha, taas oo xoojineysa madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Qiyaastii seddax milyan oo qof ayaa ka cokooda ka dhiibanaya dibadda Turkiga, kala bar ka mid ah waxay ku nool yihiin Jarmalka.

Laakiin ololaha siyaasadeed ee dalalka qaar ayaa Turkiga laga hor istaagay.

Tallaabadaasi ayaa sababtay qilaaf xoogga oo kala dhex galay Turkiga iyo dalalka qaar ee Yurub.

Madaxweyne Erdogan ayaa Jarmalka iyo Holland ku eedeeyay in ay u dhaqmayaan sida Naazigii oo kale.

Dalka Switzerland waxaa Axaddii lagu qabtay olole lagu taageerayo in "maya" loogu codeeyo isbedelka dowladda ay sameyneyso.

Ololahaas oo kumannaan qof ay ka qeybgaleen waxaa hor kacayay Kurdiyiinta.


Warar dheeraad ah

Baarlamaanka Yurub oo Turkiga ka shiraya

Turkiga oo Midowga Yurub ku tilmaamay in-dhaw garad

Switzerland oo baaraysa in Turkiga uu basaasid ka sameeyay dalkeeda


Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga, oo u yeeray diblumaasiyiinta Swiss ee Ankara ayaa codsaday tallaabo sharciyeed in la qaado.

Wuxuu sheegay in dibadbaxa ay agaasimeen kooxda la mamnuucay ee PKK oo Turkiga, midowga Yurub iyo Mareykanka ay u aqoonsan yihiin urur argagixiso.

Balse dalka Switzerland ayaan PKK u aqoonsaneyn in ay argagixiso yihiin.

Laba maalmood ka hor, dowladda Switzerland waxay sheegtay in ay baareyso eedo ku saabsan in la jaajuusay dadka Turkida ah ee ku nool dalkeeda ee dowladda Turkiga sida adag uga soo horjeedo.

Ayadoo muranka noocaas ah uu jiro, ayaa hadana waxay codeynta ka billaabatay garoomada, xuduudaha Turkiga, iyo safaaradaha ay ku leeyihiin Jarmalka, Austria, Belgium, Faransiiska Switzerland iyo Denmark.

Dalka Jarmalka, dadka way ku kala aragti duwan yihiin codeynta.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan