Duufaan garaacday Australia

Waa duufaantii ugu darnayd ee dalkaas soo marta tan iyo 2011 Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Waa duufaantii ugu darnayd ee dalkaas soo marta tan iyo 2011

Duufaan loogu magac daray Debbie ayaa ku dhufatay dhulka berriga ah ee waqooyiga bari ee Australia, ayadoo wadata roob iyo dabayl saacaddii ku socota ilaa 270 KM.

Maamulayaasha gobolka Queensland ayaa sheegay in ubucda duufaanta ay haleeshay meel u dhaxaysa magaalooyinka Bowen iyo Airlie Beach, ka dib markii ay soo garaacday jasiirado xeebta u dhow.

Wariyeyaal jooga Bowen waxay sheegeen in jajab badan oo dabayshu waddo uu duulayo waddooyinka laga kala cararay , xarkihii korantadana ay go'een.

Duufaanta ayaa lagu wadaa inay sii socoto 24 saacadood.

Haweeneyda madaxda ka ah Queensland Annastacia Palaszczuk ayaa ku tilmaanatay duufaantaas "bahal weyn".