Waraysi:  Maraykanka iyo Tarxiilka
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi: Maraykanka iyo Tarxiilka

Xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanka, Jeff Sessions, ayaa ku hanjabay in dhaqaalaha la siiyo laga joojin doono magaalooyinka dalkaas ku yaal ee qariya dadka soo galootiga bilaa sharciga ah ee falal dambiyeedka gala.

Isagoo ka hadlayey Aqalka Cad ayuu sheegay in wasaaradda caddaaladda Maraykanku ay dhaqaalaha ay ka helaan xukuumadda federaalka ah waayi doonaan hadii ay si buuxda u dhaqan gelin waayaan sharciyada cusub ee socdaalka.

Wuxuu intaa ku daray in hadii aan la tarxiilin dadka bilaa sharciga ah ee dambiyada galay ay khatar ku noqon doonaan bulshada Maraykanka.

Hadaba Weriyaha BBC-da Maxamed Xaaji Xuseen ayaa hanjabaaddan xeer ilaaliyaha guud iyo magaalooyinka arrimahan lagu tuhmayo kuwa ay yihiin ka waraystay Amiin Haaruun oo ah qareen deggan magaalada Minneapolis.