Waraysi & sawirro:  Xaun dabaasha lagu barto oo la dhagax dhigay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi & sawirro: Xarun dabaasha lagu barto oo la dhagax dhigay

Magaalada Minneapolis ee waddanka Maraykanka waxaa maanta la dhagax dhigay xarun loogu tala galay dadka Somaalida ah iyo qoomiyadaha kale in dabaasha lagu baro oo ay ka faa'iidaystaan caruurta iyo haweenka.

Waxaa kale oo dhawaan la furay xarun kale oo loogu talagalay in farsamada gacanta lagu baro dhalinyarada qawmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

Cabdi Warsame wuxuu ka tirsan yahay golaha deegaanka magaalada Minneapolis, waxaana xarumahaas laga hirgaliyay dagmada laga soo doorto.

Wariyaha BBC-da Maxamed Xaaji Xuseen (Shiine) ayaa waraystay, wuxuuna marka hore waydiiyay bal xaruntan cusubi waxa ay tahay.

Halkan ka daawo sawirrada

Image caption Saxaafadda oo tabinaysa
Image caption Xafladda dhagax dhigga
Image caption Aasaaska oo la jeexayo
Image caption Cabdi Warsame oo ka tirsan golaha deegaanka ee Minneapolis