Taliyaha Booliska S/land: Ma jiraan dad Beer iyo Kelyo lagala baxay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Taliyaha Booliska S/land: Ma jiraan dad Beer iyo Kelyo lagala baxay

Dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa baraha internet-ka ee bulshadu ku xidhiidho lagu hadal hayey in ay dad ajaanib ahi dadka ka dhex afduubaan magaalada Hargaysa, oo ay xubnaha uur-ku-jirta kala baxaan.

Waxa ugu dambeeyey video iyo sawirro kelyo iyo beer lagu sheegayey in ay yihiin kuwo aadane oo sida la sheegay dad lagala soo baxay.

Arrintaa waxaa ka hadlay Taliyaha bilayska Somaliland oo saxaafadda iyo shacabkaba uga digay in ay faafiyaan wararka beenta ah.

Weriyaha BBC-dee Hargaysa Axmed Siciid Cige ayaa uga warramay Axmed Nagaashe goorta wararkani soo baxeen iyo waxa taliyuhu ka yidhiba.