Xukun lagu hor istaagay dhaqan galinta xayiraaddii safarrada ee Trump

Cabasho weyn ayaa laga muujiyey xayiraadda Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Cabasho weyn ayaa laga muujiyey xayiraadda

Xaakim ka tirsan Federaalka Maraykanka oo jooga Hawaii ayaa wakhti aan la cayimin kordhiyey inay sii jirto hakinta amarkii socdaalka ee uu madaxweyne Trump ku soo rogay lix dal oo Islaam ah.

Xukunka xaakim Derrick Watson ayaa micnihiisu wuxuu yahay in Mr Trump laga hor joogsado dhaqan galinta mamnuucista socdaalka ee Mr Trump inta maxkamadaha la isla marayo.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Xaakim Derrick Watson ayaa muddo aan cayimin kordhiyey inaan la dhaqan galin xayiraadda

Dacwad ayuu gobolkaas ku sheegay in mamnuucista ay waxyeello u gaysanayso dalxiiska iyo awoodda uu gobolka uu ku qoran karo arday iyo shaqaale ajnabi ah.

Madaxweyne Trump wuxuu sheegay in mamnuucistiisa dib u eegista lagu sameeyey ay hor istaagayso argagixisada inay soo galaan Maraykanka.

Image caption Bishaan gudaheeda ayuu Trump soo saaray amar ka mamnuucaya muwaadiniinta dalalkan inay Maraykanka tagaan

Xaakim Watson ayaa xukunka soo saaray Arbacadii, ka dib markii uu dhagaystay doodda qareennada ka kala socday gobolka Hawaii iyo waaxda caddaaladda ee Maraykanka.

Go'aankiisii hore ee ahaa in si KMG ah loo hakiyo dhaqan gelinta xayiraadda ayuu ka daba keenay amar ah in aan la dhaqan gelin xayiraadda ilaa iyo inta kiiska go'aan laga gaarayo.

Madaxweyne Trump ayaa 6 Maarso soo saaray amar madaxweyne oo muddo 90 maalmood ah ka mamnuucaya muwaadiniinta Iiraan, Liibya, Soomaaliya, Suudaan iyo Yemen, 120 maalmoodna mamnuucaya qaxootiga.