Turkiga oo cambaareeyay xiriirka Mareykanka iyo dagaalamayaasha Kurdiyiinta

Wasiirka arrimaga dibedda Mareykanka ex Tillerson oo la kulmay madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan
Image caption Wasiirka arrimaga dibedda Mareykanka ex Tillerson oo la kulmay madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan

Xogahayaha Arimaha dibedda ee Maraykanka Rex Tillerson aaya magaalada Ankara kula kulmay madaxweynaha dalka Turkiga, Tayyip Erdogan.

Wadahadalka labada mas'uul ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga dagaalka looga soo horjeedo kooxda la magac baxday Dowladda Islaamka.

Mr Tillerson ayaa sheegay in labada dal ay iska kaashan doonaan sidii loo xasilin lahaa goobaha laga saaray kooxda Daacish.

Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Turkiga, Mevlut Cavusoglu, ayaa mar kale ku celiyay sida dalkiisa uu uga xun yahay xiriirka uu Mareykanku la leehay dagaalamayaasha Kurdiyiinta ee ku sugan Suuriya.

Cavusoglu, ayaa ka hadlayay shir jaraa'id oo ay si wada jir ah u qabteen isaga iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka.

Kulankooda ayaa ku soo aaday maanta oo Qaramada Midoobay ay shaacisay in shan milyan oo qof ay gaartay tirada dadka ka soo qaxay dalka Suuriya tan iyo markii ay billaabatay collaada dalkaasi.

Xiriirka Maraykanka iyo Turkiga ayaan wanaagsanayn 8-dii bilood ee la soo dhaafay.

Turkiga ayaa cadaadis ku saarayo Mareykanka in uu gacanta u soo geliyo wadaadka Fethullah Gulen, oo haatan ku nool gobolka Pennsylvania.

Xukuumadda Turkiga ayaa Fethulah Gulen ku eedeynaysa in uu ka dambeeyey afgambigii dhicisoobay, inkastoo sirdoonka reer Yurub ay arrintaasi shaki gelinayaan.

Maraykanka waxa uu ku adkaysanayaa in go'aanka ah wadaadkan gacanta loo geliyo Turkiga uu yahay go'aan u yaala maxkamadaha oo aanu ahayn go'aan siyaasadeed.

Wasiirka Caddaalada ee dowladda Turkiga Bekir Bozdag ayaa mar sii horreysay si carro leh u naqdiyay xariga loogu geeystay Maraykanka nin bankiyada Turkiga ka shaqeeyo.

Mehmet Hakan Atilla oo madax ka ah bangiga ay dowladda Turkigu leedahay ee Halkbank ayaa wajahayo eedeymo ah in uu ka caawiya Iiran in ay ka dhuumato Cunaqabeeynta la saaray.