Meydka Kim Jong-nam ayaa la geeyay Pyongyang

A van believed to carry the body of late Kim Jong-nam leaves the mortuary of the Kuala Lumpur Hospital, in Kuala Lumpur, Malaysia, 30 March 2017 Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Gaarigan ayaa la aaminsan yahay inuu meydka Kim Jong-nam geeyay garoonka Kuala Lumpur

Meydka Kim Jong-nam, oo ay walaala yihiin hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, ayaa laga dajiyay magaalada Pyongyang, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta Shiinaha.

Kuuriyada Waqooyi ayaa dalbatay in meydkaasi lagu soo wareejiyo.

Jong-nam ayaa si aan macluumaad badan laga haynin ugu geeriyooday magaalada Kuala Lumpur ee dalka Mleeshiya. Booliisku waxay rumaysan yihiin in la sumeeyay isaga oo sugaya duulimaad

Lahaanshaha sawirka Kyodo / Reuters
Image caption Mr Kim wuxuu la dhashay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un

Sii deynta meydka ninkan ayaa waxa ay qeyb ka tahay heshiis ay kala gaareen dalalka Maleeshiya iyo Kuuriyada Waqooyi. 9 qof oo u dhalatay dalka Maleeshiya oo markii hore laga horistaagay inay dalka Kuuriyada Waqooyi ka dhoofaan ayaa hadda loo oggolaaday inay safraan.

Dilka Kim Jong-nam oo khilaaf dublamaasi dhaliyay

Labada dal ayaa waxaa soo kala dhexgalay muran diblomaasiyadeed ka dib markii Kim lagu dilay garoonka diyaardaha Kuala Lampur bishii hore.

Inkastoo uu jiro tuhun ballaaran oo ku aadan in Kuuriyada Waqooyi ay ka dambaysay dilkan, haddana waxaan caddayn ah looma hayo. Pyongyang illaa iyo hadda war rasmi ah kama aysan soo saarin dhacdadaas.

Lahaanshaha sawirka European Photopress Agency
Image caption Mohd Radzuan Othman (left) was one of the nine returning Malaysian nationals

Kuuriyada Koonfureed ayaa sheecisay in Kuuriyada Waqooyi ay soo maleegtay dilkaas.

Malayshiya ayaa ka mid ahayd dalal kooban oo joogteeyay calaaqaadka dublamaasi ee ay la leeyihiin Kuuriyada Waqooyi, balse dilkan ayaa murjiyay xaaladda.