FBI oo mar kale shaacisay sawirradii 9/11 ee Pentagon

Kooxaha baaritaanka oo burburka dhex taagan Lahaanshaha sawirka FBI
Image caption Kooxaha baaritaanka oo burburka dhex taagan

Sawirro la qaaday ka dib weerarkii lagu qaaday Pentagon-ka 11 September 2001 ayaa dib uga soo muuqday barta FBI-da, 6 sano ka dib markii ugu horreeysay ee la shaaciyey.

Sawirrada oo 27 ka kooban ayaa muujinaya shaqaale dab bakhtiinaya, iyo kooxaha samata bixinta iyo baareyaal baadigoob ka wada burburka.

Duullimaadkii American Airlines 77 ee ka soo duulay Virginia una socday LA ayaa dhismaha ku dhacay 09:37 subaxnimo.

Maamulayaasha Maraykanka waxay sheegeen in dayaaraddu ku dhacday dabaqa 1aad iyo kan 2aad ee Pentagon, oo ay dishay 184 qof.

Jillian Stickels oo ah afhayeenad u hadashay FBI waxay sheegtay in sawirrada markii hore la shaaciyey 2011.

waxay intaa ku dartay in cillad farsamo ay keentay in internetka laga waayo muddo aan la cayimin.

"Markii la ogaaday inaysan ku jirin dib ayaa loo soo galiyey mar kale si ay dadku u arkaan" ayey tiri.

Jawaab degdeg ah

Lahaanshaha sawirka FBI
Image caption Sawirka waxaa loogu magac daray "jawaabta degdegta ah ee Pentagon"
Lahaanshaha sawirka FBI
Image caption Biyo gaari laga soo tuurayo ayaa dabka lagu damiyey

Burburka dibadda

Lahaanshaha sawirka FBI
Image caption Sawirkan waxaa loo bixiyey "dusha Pentagon-ka"
Lahaanshaha sawirka FBI
Image caption Mishiin u muuqda inuu soo saarayo calanka Maraykanka oo jeex-jeexmay

Burbur dayaaradeed

Lahaanshaha sawirka FBI
Image caption Sawirkan wuxuu muujinayaa mid ka mid ah birihii dayaaradda
Lahaanshaha sawirka FBI
Image caption Burburkii dayaaradda
Lahaanshaha sawirka FBI
Image caption "Burburka Pentagon" ayaa loo bixiyey sawirkan

Baarayaasha

Lahaanshaha sawirka FBI
Image caption Kooxaha baaritaanka iyo samata bixinta oo baaritaan ka wada goobta
Lahaanshaha sawirka FBI
Image caption Baare badiil ku qaadaya dambas