Xiisad ka taagan eryidda wasiirkii maaliyadda ee K/Afrika

Xubno saamayn ku leh xisbiga ANC ayaa diiddan in la eryo Gordhan Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Xubno saamayn ku leh xisbiga ANC ayaa diiddan in la eryo Gordhan

Malusi Gigaba oo ilaa goor dhoweyd ahaa wasiirkii arrimaha gudaha ee Koofur Afrika ayaa qiray in go'aankii uu madaxweyne Zuma ku eryey wasiirkii maaliyadda Pravin Gordhan uu dalka kala qaybiyey.

Laakin Mr Gigaba wuxuu isla markiiba ka sii afeefatay xilka cusub ee loo magacaabay ee wasaaradda maaliyadda, isagoo dhinaca kalena sheegay in la joogo wakhtigii la samayn lahaa isbeddello waaweyn.

"ma jiri karo horumar dhaqaale oo xaqiraya aqlabiyadda dadkeenna" ayuu yiri

Wuxuu kaloo yiri "wasaaradda lacagta waa hay'adda ugu muhiimsan in horumar laga sameeyo is-beddelka. Muddo dheer waxaa jiray hadallo iyo aragtiyo ahaa in wasaaradda lacagta ay leeyihiin dad is bahaystay oo dhaqaaleyahanno ah, ganacsiyo waaweyn, dano aad u awood badan iyo maal galiyeyaal caalami ah. Ayadoo la ixtiraamayo, tani waa xukuumaddii shacabka" ayuu sii raaciyey.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Mudaaharaadyo ayaa ka dhacay caasimadda, Pretoria, markii la eryey Mr Gordhan

Xisbul xaakimka, ANC, ayaa weli ka hari la', oo dood ka qaba xil ka qaadidda Mr Gordhan.

Madaxweyne ku xigeenka, Cyril Ramaphosa, ayaa ka soo hor jeestay eryidda Gordhan. Sidoo kale waxaa iyagana diiddan xoghayaha guud ee ANC iyo xubno muhiim ah oo xisbiga ku jira.

Xisbiyada mucaaradku waxay sheegayaan in sababta loo eryey Pravin Gordhan ay tahay, isagoo ka hor joogsaday madaxweyne Zuma iyo xulafadiisa, oo lagu eedeeyey musuqmaasuq, inay galaangal u yeeshaan dhaqaalaha dalka.