Wasiirro xilalka la wareegay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wasiirro xilalka la wareegay

Magaalada Muqdisho waxa maanta ka dhacay dhawr munaasabadood oo ay xilalka kula wareegayeen wasiiradda cusub ee dawladda Soomaaliya.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, oo ka qayb galay xil wareejin ka dhacday xarunta wasaaradda maaliyadda ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay bilaabayso nidaam ay ugu magac dartay "isla xisaabtanka dhabta ah".

Image caption Ra'iisul wasaaraha wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay bilaabayso nidaam ay ugu magac dartay "isla xisaabtanka dhabta ah".
Image caption Xil wareejintii ka dhacday wasaaradda maaliyadda

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho, Ibrahim Maxamad Aadan, ayaa warbixinta ku eegaya nuxurka hadalladii uu ra'iisul wasaaruhu ka jeediyay xil wareejintii ka dhacaday wasaaradda maaliyadda.