Sidee loola dagaalami karaa musuqmaasuqa Soomaaliya?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Sidee loola dagaalami karaa musuqmaasuqa Soomaaliya?

Ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan cali Kheyre ayaa sheegay in lala xisaabtami doono golaha cusub ee wasiirada, waxaa sidoo kale ra'iisul wasaare Kheyre uu sheegay in musuqmaasuqa lala dagaalami doono, Islmarkaana loo baahanyahay in la kordhiyo dakhliga dalka soo gala.

Iyadoo hadaba ay golahan cusub la wareegeen xilka ayaa meelaha sida weyn farta loogu fiiqayo waxaa ka mid ah musuqmaasuqa la degay dalka.

Arimahaasina waxaan ka waraysanay Mursal Maxamuud Saneey oo ka tirsan machadka cilmibaarista, Wuxuuna u warramay weriyaha BBC-da Cabdifataax Ibraahim Cagayare oo marka hore weydiiyay sida lagu kordhin karo daqliga Soomaaliya.