Xal caqliyeysan oo loo helay xayiraadda kombiyuutarrada ee duullimaadyada US

Qatar Airways ayaa keentay xal qofku uu kombiyuutar ku isticmaali karo dayaaradda gudaheeda. Lahaanshaha sawirka QATAR AIRWAYS
Image caption Qatar Airways ayaa keentay xal qofku uu kombiyuutar ku isticmaali karo dayaaradda gudaheeda.

Qatar Airways ayaa sheegtay inay bixinayso adeegga kombiyuutarka Laptop-ka oo deyn ah, kaasoo loogu tala galay rakaabka u safraya Maraykanka, si xal loogu helo xayiraaddii uu Maraykanku ku soo rogay qalabka elektronigga ee duullimaadyada qaar.

Xayiraaddan ayaa qabanaysa wixii qalab elektronig ah ee ka weyn telefoonnada casriga ah (smartphone), ee ku imaanaya 9 dayaaradood oo ka shaqeeya 10 garoon oo ku yaalla bariga dhexe, waqooyiga Afrika iyo Turkiga.

Waxaa ku jira shirkadaha Qatar Airways, Etihad, Emirates iyo Turkish Airlines oo sameeya duullimaadyada dhaadheer ee tooska ah ee ay badi raacaan dadka shaqooyinka ama ganacsiga u socda, kuwaasoo aan kombiyuutarradooda isticmaali karin inta duullimaadka lagu guda jiro.

Qatar Airways ayaa hadal ay soo saartay ku tiri "macaamiisha waxaa u suurto gali doona inay dukumentigooda ku soo ritaan USB inta aysan dayaaradda soo fuulin, ka dibna ay halkaas ka sii wataan hawshooda".

Dayaaraddu waxay kaloo bixinaysaa Wi-Fi bilaash ah oo rakaabka oo dhan ay isticmaali karaan muddo saacad ah, iyo internet duullimaadka inta lagu jiro oo dhan uu isticmaali karo oo kaliya qofkii baxsada $5.

Image caption Qalabka la oggol yahay iyo kan aan la oggolayn

Saraakiil Maraykan ah ayaa qiil u sameeyey talaabadaas, ayagoo sheegay inay tahay mid looga taxaddarayo argagixiso oo ku salaysan "xuuraan la qiimeeyey".

Qalabka waaweyn ee elektronigga ah ayaa weli la oggol yahay haddii lagu soo rido alaabta xamuulka galaysa.

Tallaabadan ayaa lagu soo rogay duullimaadyada tooska ah ee ka imaanaya Urdun, Masar, Turkiga, Sacuudiga, Kuwait, Morocco, Qatar iyo Iimaaraadka carabta oo ay ku jiraan dayaaradaha ka yimaada Dubai oo ah garoonka ugu mashquulsan dunida.