Bam lagu arkay meel u dhow webiga Thames ee London

Lama hubo in tartanku baaqan doono Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Lama hubo in tartanku baaqan doono

Bam loo malaynayo inuu ka haray dagaalkii 2aad ee dunida oo aan weli qarxin ayaa laga helay jiinka wabiga Thames, wuxuuna cabsi galiyey qabashada tartanka doomaha ee wabigaas ka dhici lahaa.

Waxaa laga helay meel u dhow buundada Putney ee galbeedka London, maalin ka hor tartanka 163aad ee doomaha ee dhex mari lahaa jaamacadaha Oxford iyo Cambridge.

Weli go'aan lagama gaarin in tartanka la baajiyo, qaban qaabiyeyaashuna waxay sheegayaan in qorshahooda uu yahay in tartanka la qabto

Qalab ayaa loo diray gunta hoose ee wabiga, waxayna kooxaha bambooyinka furfura ay sugayaan inta ay dagayaan mawjado kacsan.

Ilaa 300,000 oo qof ayaa lagu wadaa inay u soo daawasho tagaan haddii la qabto tartanka, waxaana dadka looga digay inay feejignaan dheeri ah la yimaadaan, ka dib weerarkii ka dhacay Westminster.

Wadooyinka u dhow halka bamka laga helay ayaa furan.

BBC ayaa fahamsan in bamka uu markii hore arkay qof saarnaa doon wabiga maraysay, kaasoo ku arkay daanta dhinaca Chelsea ee wabiga oo ku taalla waqooyiga buundada Putney.

Tartanka ayaa ka dhacaya dhinaca kale ee buundada.