UK oo tababareyaal milatari u diraysa Urdun

May waxay sheegtay in ay waajib tahay in xulafadu ay meel uga soo wada jeedsato halista kooxda Dawladda Islaamka Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption May waxay sheegtay in ay waajib tahay in xulafadu ay meel uga soo wada jeedsato halista kooxda Dawladda Islaamka

Dawladda Britain ayaa tababareyaal milatari u diraysa dalka Urdun si ay gacan u siiyan ciidammada cirka ee dalkaas oo dagaal kula jira kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka, ra'iisulwasaaraha ayaana arrintaas ku dhawaaqi doonta.

Theresa May ayaa dajin doonta tallaabooyin lagu xoojinayo iskaashiga Jordan iyo UK si wax looga qabto xagjirnimada iyada oo booqasho ku tagidoonta Cammaan Isniinta.

Waxaa kale oo ay isla soo qaadi doonaan sidii dalka Urdun looga taageeri lahaa qaxootiga ku qulqulaya ee ka baxsanaya colaadda Suuriya.

Ra'iisulwasaaraha Britain ayaa booqasho saddex maalmood ah ku mari doonta Bariga Dhexe.

Tababarka ayaa ka kala dhici doona Urdun iyo UK si loo kobciyo awoodda ciidammada urdun ay ku weerarikaraaan bartilmaameedyada kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka.

Britain oo doonaysa inay bilawdo 'bog cusub' xiriirka dalalka Khaliijka

Aayaha Yurub marka Britain ay ka baxdo

Labaatan milyan oo reer Britain ah oo aan 'firfircoonayn'

Britain iyo Turkiga oo ka xaajoon doona ganacsiga

May ayaa sidoo kale booqanaysa Sacuudi Carabiya inta ay safarkaas ku jirtana waxay diiradda saari doontaa calaaqaadka ganacsiga iyo midka ammaanka iyadoo Britain ay isu diyaarinayso in ay ka baxdo Midawga Yurub.

Sacuudiga ayaa ah dalka calaaqaadka ganacsi ee ugu wayn la leh Britain marka laga hadlayo Bariga Dhexe, alaabada iyo adeega ay dalkaas ka soo galay ayaana lagu qiyaasay 6.6 bilyan oo gini sanadku markuu ahaa 2015.