Markab Hindiya laga leeyahay oo xeebaha Soomaaliya lagu qafaashay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ganacsatada Kismayo oo ka hadlay afduubka doon u rarnayd

Koox burcad badeed Soomaali ah ayaa maalintii Sabtidii ka afduubtay doon ganacsi oo ku socotay dekada magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose, xeebaha magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Ganacsatada reer Kismaayo ee ay u rarnayd doontan ayaa ka dalbaday kooxda burcad badeedka ah inay si shuraad la'aana ku sii daayaan shaqaalaha iyo doontaba. Waa afduubkii labaad ee sanadkan gudihiisa ay sameeyaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida, xili ay hoos u dhaceen hawgaladooda wax afduubashada sedexdii sano ee la soo dhaafay.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa arinta doonta la afduubtay ka waraystay gudoomiye kuxigeenka rugta ganacsiga ee Jubaland Mukhtar Axmed Cabdille.