'Kiimiko lagu weeraray' magaalada Idlib oo ay ku dhinteen 58 ruux

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Dadka dhaawaca ah oo la dabiibayo

Ugu yaraan 58 ruux ayaa ku dhimatay dad kale ayaana ku dhaawacmay weerar laga shakiyay in kiimiko loo adeegsaday oo ka dhacay magaalo ay jabhaduhu haystaan oo ku taalla waqooyiga-galbeed ee dalka Suuriya, sida ay sheegeen koox la socota arrimahaas.

Kooxda la socota arrimaha xuquuqda aadanaha ee Suuriya ayaa sheegay in weerarka ka dhacay Khan Sheikhoun ee ay gaysteen diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ama Suuriya ay sababeen in dad badan ay neefqabatoobaan.

Intaas ka dibna diyaarado dagaal ayaa duqeeyay rugo caafimaad oo lagu dawaynayay dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay weerarkii hore, sida ay sheegeen dadka xuquuqda aadanaha u dooda.

Dawladda Suuriya ayaa si joogto ah u diida in ay isticmaasho hub kiimiko ka samaysan.

Haddii la xaqiijiyo in weerarkan kiimiko loo adeegsaday wuxuu noqon doonaa midkii ugu waxyeelada badnaa ee noociisa ah ee ka dhaca Suuriya tan iyo markii uu dagaalka sokeeye billawday lix sano ka hor.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Shaqaalaha gurmadka degdega ah waxay sheegeen in carruur badan ay ku jireen dadka ay dhibaatadu soo gaartay
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Qolyaha hawlahan la socda ee mucaaradka ah ayaa sheegay in ay weerarkan gasteen diyaaradaha Ruushka ama kuwa Suuriya
Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Qolyahana xaaladda Suuriya la socda ee mucaaradka ah way xaqiijin waayeen nooca kiimiko ee la adeegsaday
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Shaqaalaha gurmadka degdega ah oo ku neefsanaya hawo oksajiin ah ka dib markii uu caawiyay dad looga shakiyay in kiimiko lagu weeraray
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption ilo ka tirsan milatariga Suuriya ayaa diiday in ay adeegsadeen wax kiimiko ah

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan