Falanqayn:  Weerarrada Burcad badeedda
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Falanqayn: Weerarrada Burcad badeedda

Dhawaan waxaa dib u soo laabtay afduubkii ay kooxaha hubaysan ee Soomaalida ah u geysan jireen maraakiibta ganacsiga ee mara badweynta Hindiya.

Weerarrada burcad badeedda Soomaalida oo meeshii ugu sareeyay gaaray sanadkii 2011, ayaa waxa ay khasaaro badan gaarsiiyeen shirkadaha maraakiibta, ayagoo dhanka kale saameeyay ganacsiga caalamka.

Waxaa hadda soo baxaya baaqyo ah in haddii aan si buuxda wax looga qaban arrinta burcad badeeda ay noqon doonto mid sidii hore kusoo laabata.

Haddaba maxaa dib u soo celiyay burcad badeedda Soomaaliya, maxaase laga qaban karaa?

Su'aalahaasi iyo kuwo kale ayay Suheyba Maxamed Badqas weydiisay Cabdinaasir Maxamed Yuusuf oo ah cilmi baare ka tirsan xarunta nabadda iyo hormarinta ee Puntland (PDRC).