Midawga Yurub oo Muqdisho kaga dhawaaqay mashruuc ay ku baxayso 33 milyan oo Yuuro
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Midawga Yurub oo Muqdisho kaga dhawaaqay mashruuc ay ku baxayso 33 milyan oo Yuuro

Midowga Yurub ayaa magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay mashruuc loogu magacdaray Wadajir oo ay ku baxayso 33 milyan oo Yuuro.

Mashruucan ayaa loogu talagalay in xal waara loogu helo dadka gudaha ku barakacay, iyo qaxootiyada dibada ka soo laabanaya ee deegaanada Soomaalida oo dhan.

Weriyahayaga magaalada Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa weraystay wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha ee Soomaaliya Cali Sheekh Maxamad Nuur oo ka mid ahaa xubnihii lagu martiqaaday furitaanka mashruucan, wuxuuna marka hore weydiiyay kaalinta dawladda ee mashruuca la daahfuray.