Tirada dadkii ku dhintay Colombia oo korortay

Milateriga oo carruur samata bixinaya Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Milateriga oo carruur samata bixinaya

Maamulayaasha Colombia ayaa sheegay in ugu yaraan 290 qof iminka la og yahay inay ku dhinteen dhoobadii Sabtidii ku duntay magaalada Mocoa.

Xukuumadda ayaa amar ku bixisay in la sameeyo baaritaan lagu ogaanayo bal haddii nidaamka xagga bedqabka dhismayaasha aan si hagaagsan loo hirgalinin, iyo haddii maamulka deegaankaas uu si buuxda ugu sii diyaar garoobay masiibooyinka dabiiciga ah.

Saraakiil ayaa sheegaya in baaritaanka looga gol-leeyahay ka hortag ee uusan ahayn mid dad lagu ciqaabayo.

Dhanka kalena, weli waxaa socda baadigoobka ilaa 300 oo qof oo weli la la' yahay.

Boqolaal qof ayaa waxaa la geeyey meelo ay ku hoydaan, ayadoo tiro badan oo dad ahna ay weli koronto la'aan iyo biyo la'aan yihiin.

Gargaarka badankiis ayaa lagu qaadayaa Helikobtarro, maadaama aan waddooyinka la mari karin.