New Zealand: magaalo dhan oo la daadgureeyay

Dhul ballaaran ayay biyihu ku faafeen ka dib markii ay wabiyadu fataheen Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dhul ballaaran ayay biyihu ku faafeen ka dib markii ay wabiyadu fataheen

Gabi ahaanba waxaa la daad gureeyay dadkii deganaa magaaalada Edgecumbe ee dalka New Zealand ka dib markii ay daadad aad u xun ku dhufteen.

Ku dhawaad 600 oo guri iyo 2,000 oo ruux ayay saameeyeen daadadku, doomo iyo cagacagafyo ayaa dadka gaynaya meelo ay ku nabadgali karaaan.

Roobkan ayaa weheliyay duufaanta Debbie oo dalka Australia ku dhufatay todobaadkii hore iyadoo dabaylaha iyo daadadku ay sababeen in ay wabiyadu fatahaan.

Qolyaha saadaasha hawada qaabilsan waxay cimiladan xun ee labada dalba ka dhacday ku tilmaameen mid 500 ee sanaba hal mar dhacda.

Duufaan xoog badan ayaa sidoo kale ku dhufanaysa jasiiradda koonfureed ee New Zealand.

Lahaanshaha sawirka TVNZ
Image caption Residents have been told not to attempt to return until the floodwaters have subsided

Biyaha ku fatahay Edgecumbe ayaa la sheegay in joogoodu uu labo mitir gaarayo. Booliiskuna waxay sheegeen in ay gaafwareegidoonaan goobaha ay daadgurayntu ka dhacday ayna dhigeen jidgooyooyin si dadka deegaanka looga hor istaago in ay dib ugu soo laabtaan.

Booliiska ayaa raadinaya hal ruux oo la rumaysan yahay in la la'yahay.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Biyaha ku fatahay magaalada Edgecumbe ayaa la sheegay in joogoodu uu aad u dheeryahay