Doorashadii u horaysay oo Gambia ka dhacaysa Jammeh ka dib

Dadka Gambia ayaa sugaya in ay arkaan isbadal siyaasadeed oo cusub Lahaanshaha sawirka SEYLLOU/AFP/Getty Images
Image caption Dadka Gambia ayaa sugaya in ay arkaan isbadal siyaasadeed oo cusub

Jammeh ayaa horseeday qalalaase siyaasadeed iyo mid dastuur ka dib markii uu diiday in uu xilka baneeyo ka dib markii doorashadii lagaga guulaystay bishii Desembar ee 2016kii.

Laakiin 21 Jannaayo ayuu dibad joognoqday ka dib markii ay dalalka dariska ah ugu hanjabeen in xoog xilka kaga wareejin doonaan.

Adama Barrow oo badalay ayaa siyaasadda ku cusub wuxuuna ballan qaaday siyaasadda iyo ammaanka uuna isbadal ku samayn doono warbaahinta.

Hindiseyaasha isbadal ee uu la yimid waxaa ka mid ah in uu abuurayo guddiga caddaaladda iyo dib u heshiisiinta si ay baaritaanno ugu sameeyaan tacadiyadii la gaystay intii uu Jammeh xilka hayay.Dadka Gambia ayaa Khamiistan codkooda ka dhiibanaya doorashada baarlamaanka.

Waa midii koobaaad tan iyo markii uu xilka baneeyay madaxweyne Yaya Jammeh ka dib muddo 22 sano ah oo uu talada hayay.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Maadaxweynaha Gambia Adama Barrow
Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Ugu yaraan 239 murashax ayaa u tartamaya 53 xubnood ee baarlamaanka dalkaasi ka kooban yahay
Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Shaqaalaha guddiga doorashada oo diyaarinaya Sanduuqyada codaynta
Lahaanshaha sawirka SEYLLOU/AFP/Getty Images
Image caption Jammes ayaa xilka isaga tagay ka dib 22 sano oo uu madaxweyne ka ahaa Gambia