Chelsea oo muujisay in aan la dhayalsan karin

Eden Hazard Lahaanshaha sawirka Getty Images

Chelsea ayaa sii xajisatay todobadii dhibcood ee ay ku hogaaminaysay Horyaalka Ingiriiska ka dib markii ay guul ka gaartay ciyaar adag oo ay la yeelatay Manchester City.

Kooxda Tottenham ayaana ku jirta kaalinta labaad.

Intii uu xirfadda tababarenimada ku soo jiray Pep Guardiola waa markii koobaad ee koox ka soo horjeeda ay labada kulanka ka rajaysa hal xilli ciyaareed gudihii.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Ciyaarta ka dib Antonio Conte oo midig ka muuqda ayaa sheegay in Pep Guardiola uu ahaa ahaa 'tababaraha ugu wanaagsan adduunka'

Kooxda Man City ayay hadda u taalaa in ay ku u halganto afarta kaalmood ee u horeeya.

Eden Hazard ayaa daqiiqaddii tobnaan u dhaliyay Chelsea gooshii koobaad, Aguero ayaase Man City u dhaliyay gool daqiiqaddii 26naad.

Balse Hazard ayaa soo labo kacleeyay oo kooxdiisa u dhaliyay daqiiqaddii 35naad.