Farmaajo oo cafis u fidiyey dagaalamayaasha Shabaab

Farmaajo Lahaanshaha sawirka Villa Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa cafis u fidiyey dagaalamayaasha ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladiisa ay daryeel u fidin doonto dagaalamayaasha ka tirsan kooxdan ee isku soo dhiibo muddo laba bilood gudahood.

"Waxaan cafis u fidinayaa dhallinyarada la marin habaabiyay ee ku shaqeeya fikrika khaldan ee xaqjirnimada ah. Waxaaa haysataan muddo 60 cisho ah inaad hubka ku dhigtaan. Waxaan idiin ballan qaadeynaa inaad heli doontaan daryeel wanaagsan'' ayuu yiri madaxweynaha oo ku labisnaa dareeska ciidammada.

Wuxuu sidoo kale shaaciyay inuu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah kooxda Al Shabaab isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeedna inay garab istaagaan dowladooddiisa.

Madaxweynaha ayaa mar sii horreysay isbdel ku sameeyay saraakiisha sarsare ee milatariga iyo sirdoonka si buu yiri dalka loogu diyaariyo dagaallada ka dhanka ah mintidiinta.