Isbedel ballaaran oo lagu sameeyay hoggaanka hay'adaha Amniga Soomaaliya

Farmaajo

Dawladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho uga dhawaaqday isbadal lagu sameeyay hogaanka hay'addaha amniga ee Soomaaliya kadib markii ay kordheen weerarada qaraxyada loo adeegsado ee ka dhaca caasimadda Muqdisho.

Shir aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen golaha wasiiradda oo uu shir gudoominyay ra'isu wasaare Xasan Cali Kheyre uuna ka qaybgalay Madaxweyne Maxamad Cabdillaahi Farmaajo ayaa lagu ansixiyay magacaabista taliyayaasha cusub, iyo gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir.

Dib u qaabaynta hay'adaha amniga ee dawladda waxa ay kamid ahayd ajanadayaashii ugu waaweynaa ee uu madaxweyne Maxamad Cabdillaahi Farmaajo ku galay ololihiisa doorashada bilowgii sanadkan.

Farmaajo oo cafis u fidiyey dagaalamayaasha Shabaab

Doorashadiisa oo hadda laga joogo labo bilood ayuu madaxweynuhu xil kaqaadis ku sameeyay afarta taliye ee afarta ciidan ee ay dawladdu leedahay isagoo magacaabay taliyayaal cusub. Sidoo kale waxa uu xilka ka qaaday gudoomiyihii gobolka banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale isagoo magacaabay gudoomiye cusub.

Image caption Shir aan caadi ahayn ayay golaha wasiirada ku ansixiyeen magacaabista taliyayaasha
  • Taliyaha ciidanka xooga dalka waxa loo magacaabay Janaraal Maxamad Axmed jimcaale Cirfiid.
  • Taliyaha hay'adda nabadsugida waxa loo magacaabay Cabdillahi Maxamad Cali Sanbaloolshe.
  • Taliyaha ciidanka booliska waxa loo magacaabay Janaraal Cabdixakiin Daahir Siciid oo loo yaqaano Saacid.
  • Taliyaha ciidanka asluubta isna waxa loo magacaabay Janaraal Xuseen Xasan Cismaan.
  • Sidoo kale waxa gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho loo magacaabay Taabit Cabdi Maxamad.

Isbidalkaasi kadib waxa uu madaxweynuhu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo oo weriyayaasha kula hadlay xarunta madaxtooyada isagoo xiran dareyska ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhalinta ku jirta xarakada Al-Shabaab inay ka soo laabtaan dagaalka ay ku jiraan isagoo siiyay cafis mudo lixdan maalmood ah.

Isbadalka lagu sameeyay hogaanka talisyada kala duwan ee ciidanka dawladda ayaa noqonaya kii ugu balaarnaa ee mudo sanado ah lagu sameeyo hay'adaha amniga.

Waxay la tacaalayaan dagaal kaga imaanaya Al-Shabaab oo jihooyin kala duwan oo wadanka ah uga furan kuwaas adeegsanaya habab kala duwan oo ay kamid yihiin dagaalada tooska ah, isqarxinta iyo galista hoteelada iyo xarumaha dawladda, miinooyinka dhulka lagu aaso, duqeynta hoobiyayaasha loo adeegsado iyo dilalka qorshaysan.