Xubinta doodda ee barnaamijka Dunida & Maanta
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xubinta doodda ee barnaamijka Dunida & Maanta

Maamulayaasha Facebook ayaa sheegay inay qaadayaan talaabooyin ay kaga hortagayaan soo bandhigidda muuqaaladda iyo sawiradda anshaxa xun ee aargoosi ahaanta Fabebook-ga lagu soo bandhigo, ka dib marka la soo sheego, waxaa laga saari doonaa sawiradaas hawadda iyadoo la xannibi doono qofkii soo galiya bartiisa.

Waxay tani saameynaysaa in sawiradda xitaa lamaanayaasha ama dadka xiriirka leh haddii ay kala tagaan in qofku sawiro uu horay u haystay ee qofka kale uu fasax la'aan soo galiyo baraha bulshada.Haddaba arintan sidee u muuqataa, waase sidee isticmaalka baraha bulshada ee ay u badan yihiin dhalintu

Xubinta dooda ee barnaamijka Dunida & Maanta ayaan arintaasi waxaa kaga doodaya dhagaystayaasha BBC ee Facebook-ga, dooddan waxaa ka qayb qaadanaya Asad Kululc Warsame oo jooga Gaalkacyo, Farxiyo Cali Maxamed oo Muqdisho Joogta, Biyo Ku cayile oo jooga Durban South Afrika, iyo Layla Maxamed oo Boosaso joogta waxaa dooda u qaybinaya Mowliid Xaaji Cabdi.