Hooyo la la'aa oo la helay lana xiray

Waayidda la waayay Samantha iyo wiilasheeda ayaa sababtay in ay booliisku aad u baadigoobaan Lahaanshaha sawirka NOTTINGHAMSHIRE POLICE
Image caption Waayidda la waayay Samantha iyo wiilasheeda ayaa sababtay in ay booliisku aad u baadigoobaan

Hooyo in kabadan labo todobaad la la'aa iyadoo ay la socdaan labo wiil oo ay dhashay ayaa la xiray iyadoo looga shakisan yahay afduub.

Booliiska ayaa sheegay in Samantha Baldwin oo 40 jir ah iyo carruurteeda laga helay hotel jiif oo gaar loo leeyahay oo ku yaalla meel u dhaw Ollerton oo ka tirsan Nottinghamshire.

Waayitaankii la waayay 27kii bishii Maarso ayaa horseeday in Yurub oo dhan laga baadigoobo. Iyadoo ay baadigoobkaas ka qaybqaadanayeen in kabadan boqol askari.

Booliiska Nottinghamshire ayaa sheegay in xiritaankan uu yahay natiijadii ka dhalatay codsi dadka oo dhan loo jeediyay oo ahaa in la soo gudbiyo wixii haweenaydaas ku saabsan ee ay arkaan, ayna dadka macluumaad ka heleen.

Booliiska ayaa sheegay in ay wiilasha ka heleen meel yar oo dalxiis loo tago isla markaasna aysan jir ahaan dhaawac u qabin.

Haddana waxaa xanaanaynaya dad arrimaha carruurta xirfad u leh.

Haweeney u dhalatay Faransiiska oo Yaman lagu afduubtay oo la siidaayay

Talyaaniga oo soo furtay dad lagu haystay Liibya

Kolombiya oo soo badbaadisay carruur la askareeyay

Afar ruux oo Maraykanka loogu xiray weerar si toos ah loo baahiyay

Booliisku waxay sheegeen in ay xogta ka heleen in aan aan ahayn mulkiileyaasha meesha ay joogeen balse dadka leh huteelka ay hadda gacan siinayaan baaritaannada la wado.

Labo dumar ah oo 62 iyo 36 sano kala jira oo la xiray iyaga oo laga shakisan yahay ayay booliisku ku sii daayeen biil.