Dibedbaxyo lagu diidan yahay Zuma oo Koonfur Afrika ka socdo

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
South Africa protesters march against President Zuma

Muddaaharaadyo ayaa ka dhacay magaalooyin ku yaalla Koonfur Afrika oo looga dalbanayo madaxweyne Jacob Zuma inuu is casilo. Muddaaharaadyadaasi waxay ka socdaan magaalooyin ay ka mid yihiin Cape Town, Durban iyo caasimadda Pretoria.

Lahaanshaha sawirka Reuters

Dibedbaxyadan ayaa yimid ka dib markii uu madaxweyne Zuma xilka ka qaaday wasiirkiisa maaliyadda.

Tallaabadaasi ayaa cadaadis ku sii kordhisay dhaqaalaha dalkaasi oo markii horeba sii liicayay.

Balse taageerayaasha madaxweyne Zuma ayaa sidoo kale soo qabanqaabiyay dibedbaxyo ay ku taageersan yihiin madaxweynaha.

Zuma ayaa isbuucan ka badbaaday baaq ka soo yeerayay kooxo awood badan oo xiriir la leh xisbiga talada dalkaasi haya ee ANC. Waxay ku baaqayeen in madaxweynuhu uu xilka ka dago.

Lahaanshaha sawirka Thinkstock
Image caption Dibadbaxayaal ku sugan agagaarka xarunta xisbiga ANC uu ku leehay magaalada Johannesburg

Magaalada Johannesburg, booliis badan ayaa waddooyinka la soo dhoobay iyadoo dibadbaxayaasha ay isku dayayaan inay socod ku gaaraan xarunta xisbiga ANC ee magaaladaasi.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa ku warrantay in booliska ay isticmaaleen qiiqa dadka ka ilmeysiiyo si ay u kala eryaan dibadbaxayaal isugu soo baxay xaafad ku taalla magaalada Johannesburg.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Maxay salka ku hayaan dibedbaxyada Koonfur Afrika
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Boqolaal qof ayaa isugu soo baxday magaalada Durban

Dowladda oo ku baaqday in si nabdoon banaanbaxyadani loo qabto, ayaa waxa ay sidoo kale xasuusisay dibedbaxayaasha in sharciga uu sidoo kale ''difaacayo xuquuqda kuwa doorbiday inaysan ka qeybqaadan muddaaharaadyada''.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Madaxweyne Jacob Zuma ayaa dad badan ka careysiiyay ka dib markii uu isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirada