Sadio Mane oo inta xilli ciyaareedkan ka dhiman seegidoona

Sadio Mane Lahaanshaha sawirka Getty Images

Sadio Mane oo afka hore uga dheela kooxda Liverpool ayaa seegi doona toddobada ciyaarood ee xilli ciyaareedkan ka dhiman ka dib markii uu lawga ka dhaawacmay.

Mane oo 24 jir ah ayaa laga bixiyay ciyaartii ay Sabtidii 3iyo 1ka kaga badiyeen Everton, ka dib markii ay isku dhaceen ciyaar yahan Leighton Baines.

Tababare Jurgen Klopp ayaa sheegay in uu Mane u baahan yahay qalliin, taas oo meesha ka saraysa macquulnimada ah in uu mar kale safto xilli ciyaareedkan.

Southampton ayaa laga soo siistay 34 milyan oo gini, ciyaarkaste oo xilli ciyaareedkan Horyaalka Ingiriiska ka mid ahna waa lagu billaabayay, marka laga reebo shan ciyaarood.

Saddex ka mid ah shantaas ciyaarood ee uu maqnaa barbaro ayay galeen, labana waa laga badiyay.

Kooxdiisa oo lagu magacaabo Reds waxay shaxda Horyaalka Ingiriiska kaga jiraan kaalinta saddexaad, todobo ciyaarood ayaana u dhiman.