Mane oo maqnaan doona inta horyaalka ka dhiman

Dhaawac ayaa jilibka ka soo gaaray cayaartii ay Everton la yeesheen Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Dhaawac ayaa jilibka ka soo gaaray cayaartii ay Everton la yeesheen

Weeraryahanka Liverpool, Sadio Mane, ayaa ka maqnaan doona kulammada ka dhiman xilli-cayaareedkan, ka dib markii uu jilibka ka dhaawacmay.

Mane oo 24 jir ah ayaa garoonka laga qaaday, ka dib markii ay isku dheceen Leighton Baines oo ka tirsan Everton, cayaartii ay 3-1 kaga guulaysteen kooxdaas martida u ahayd.

Tababaraha Liverpool, Jurgen Klopp, wuxuu sheegay inuu hubo in "Mane uu u baahan yahay qalliin", wuxuuna intaa ku daray in "aysan suurtogal ahayn inuu mar kale safto xilli-cayaareedkan".

Mane ayaa horyaalkan kooxda u saftay dhamaanba cayaarihii ay dheeleen, marka laga reebo 5 cayaarood oo kaliya.

Laba cayaarood ayaa laga badiyey, seddexna barbarro ayey galeen, waxayna iminka ku jiraan kaalinta 3aad.

Klopp wuxuu kaloo sheegay in Adam Lallana uu soo fiicnaaday, balse uusan tababar samayn, maadaama uu weli ka soo kabanayo dhaawac bowdada ka soo gaaray.