Makhaayadleyda Minnesota iyo gurmadka abaaraha
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Makhaayadleyda Minnesota iyo gurmadka abaaraha

Qaar ka mid ah maqaaxilayda Soomaaliyeed ee ka ganacsada gobolka Minnesota ayaa jimcihii waxay go'aansadeen in ay dakhliga ka soo gala maqaaxiyahooda ay ugu deeqaan dadka abaaruhu ku habsadeen ee ku nool Soomaaliya.

Wariyaha BBC-da Maxamed Xaaji Xuseen ayaa tagay mid ka mid ah maqaaxiyahaasi, wuxuuna la hadlay qaar ka mid ah dadkii booqday ee halkaasi joogay.

Warbixintan ayuu ka diyaariyey, wuxuuna marka hore la hadlay Cabdiraxmaan Kaahin oo ka mid ah qaban qaabiyeyaasha barnaamijkan, ahna mulikiilaha maqaaxida loo yaqaan Afro Deli, wuxuuna waydiiyay bal wixii fikirkan ku dhaliyay.

Sawirrada halkan ka daawo

Image caption Maqaaxida oo saf loogu jiro
Image caption Lacagta ka soo xaroota ayaa loogu gurmanayaa abaaraha ka jira Soomaaliya
Image caption Macaamiil cunno iibsanaya