Mareykanka 'oo ka niyadjabay' mowqifka Ruushka ee Suuriya

Sawirro uu Pentagon-kaa baahiyaay oo muujinaya dhibaatada ay duqeyntaa geysatay Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Sawirro uu Pentagon-kaa baahiyaay oo muujinaya dhibaatada ay duqeyntaa geysatay

Mareykanka "wuu ka niyadjabay, balse lama yaabin" jawaabta uu Ruushka ka bixiyay duqeyntii ay uu u geystay saldhigga ciidamada cirka ee Suuriya.

Mareykanka wuxuu aaminsan yahay in garoonkaasi laga qaaday weerarkii sunta kiimikada loo adeegsaday ee Idlib.

Ugu yaraan lix qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen duqeyntaasi uu Mareykanka Jimcihii u geystay xaruntaa ciidamada cirka ee Suuriya.

Ruushka oo garab siinaya ciidamda Suuriya ayaa Mareykanka ku eedeeyay in ficilkiisa 'laba wejiilanimada' uu ku dhiiragelinayo "argagixisada".

"Waan ka niyadjabay jawaabtaas," ayuu yiri xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Rex Tillerson.

"Waxay muujineysaa taageerada aan joogsiga lahayn ee ay siinayaan maamulka Asad oo sii wado fulinta weerarada laga argagaxo ee shacabka ka dhanka ah."

"Hadaba, waxaa hadalkaas u arkay mid niyadjab leh. Laakiin nasiibdaro, waa in aan kuu sheegaa in aanan la yaaabin", ayuu hadalkiisa ku daray.

Xukuumadda Moscow ayaa wacad ku martay in ay xoojineyso hannaanka difaaca hawada ee dowladda Suuriya.

Sidoo kale waxay xireysaa qadadka ay Mareykanka siisay ee Suuriya, oo u jeedada laga lahaa ay ahayd in laga fogaado in ay isku dhacaan ciidamada labada dowladood ka jooga Suuriya.

Image caption Garoonka ciidamada cirka ee Suuriya ee Mareykankaa uu duqeeyay

Sida ay sheegayaan dhaqaatiirta xarun caafimaad oo mucaaaradku leeyahay, ugu yaraan 89 qof oo 33 ka mid ah ay caruur ahaayeen, iyo 18 haween ah, ay ku dhinteen sunta lagu duqeeyay Idlib.

Suntaasi waxaa loo maleynayaa in ay tahay mid neerfaha waxyeeleyso, waxaana lagu riday magaalada Khan Sheekhuun, Talaadadii.

Dowladda Suuriya ayaa beenisay in kiimiko noocaas ah ay u adeegsatay dad shacab ah.

Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobeey, Nikki Haley, waxay golaha amniga u sheegtay in Mareykanka uu qaaday tallaabo uu ku xaqiijinayo in madaxweynaha Suuriya uusan mardambe adeegsan hub kiimiko ah.

"Waxaan diyaar u nahay in aan waxbadan sameyno laakiin waxaan fileynaa in aysan noqon doonin mid loo baahdo," ayey tiri.

"Waxay ka mid tahay danteena muhiimka ah iyo amnigeena qaranka, in aan ka hortagno faafidda iyo adeegsiga hub kiimiko ah".

Waxay ruushka iyo Iiraan ku eedeysay taageeridda dowladda Suuriya "marka ay dembi dagaal gasho". "Xoojinta dowladda Asad waxay dhalineysa in dad badan la dilo," ayey tiri.

Ku xigeenka safiirka Ruushka u joogo Qaramada Midoobey, Vladimir Safronkov, wuxuu duqeynta Mareykanka ku tilmaamay mid "sharcidaro" ah.

"Marka aad sameysaan waxa aad doontaan, waxay keenisaa xaalad xun oo ka dhacdo gobolka", ayuu u sheegay Mareykanka.

Xoghaayaha maaliyadda ee Mareykanka, Steve Mnuchin, wuxuu sheegay in ay diyaarinayaan cunna qabateyn dheeraad ah oo ka dhanka dowladda Suuriya.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dad shacab ah oo la arkay ayagoo ka guuraya magaaalada Khan Sheekhuun, AFP ayaa baahisay
Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Saraakiisha ciidamada Suuriya oo eegaya burburka ay geysatay duqeynta Mareykanka

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan