Xijaab ku xirashada Mareykan uu 'Trump maamulo'

Seddax gabdhood oo baraha bulshada caan ka ah

Dumarka Muslimiinta ah ee xirta xijaabka ayaa ka fikiraya waxa ay xiranayaan tan iyo markii uu Madaxweyne Trump xilka la wareegay.

Faduma Cabdallah oo ka mid ah gabdhaha Muslimiinta ee sida aadka u adeegsada barta bulshada ee Instagram-ka ayaa sheegtay in ay ogtahay gabdho muslimiin ah oo xijaabka iska dhigay madaama aysan ku qanacsaneyn.

Waxayna BBC-da kala hadashay waxay ay ka dhigantahay in dumarka ku nool dalka Mareykanka ay xirtaan xijaab.

Faduma iyo labo gabdhood oo kale oo lagu kala magacaabo Kendyl Aurora iyo Mariana Aguilera, waxay sameeyeen barnaamij ku saabsan xirashada Xijaabka ee New York.

Waxay baaritaan ku sameeyeen, xaaladda sida ay noqoneyso marka gabar Muslim ah ay xijaab ku xirato dalka Mareykanka.

'Xijaabka casriga ah' oo inta badan jirka wada daboolaya, wuxuu yeeshay dareen aad u badan, sanadihii la soo dhaafay.

Shirkadda Nike ayaa noqotay middii ugu horeysay oo bilowday xijaab loogu talagalay dumarka ciyaaraha ka qeybgala.

Bishii February, bandhig dharka oo ka dhacay New York, gabar dharka xayeysiiso ayaa soo bandhigtay xijaabka la xiran karo.

Sidoo kale, gabdhaha qaar ayaa wajahaya naceyb marka ay timaado sida uu xijaabka jirkooda ugu dhegan yahay iyo nooca ay xiranayaan.

Faduma, Kendyl iyo Mariana, waxay ka hadleen isbedelka ay dareemeen bilihii la soo dhaafay.

Faduma Cabdallah

Faduma waxay sheegeysa in ay garatay "in aysan sii wadi karin in Instagram sawiro geliso", sidaa darteedna ay dumarka qaar go'aansadeen in ay xijaabka iska daayaan.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dumar xiran xijaaab oo ka qeybgalay dibadbax ka dhan ahaa xayiraaddii dhanka socdaalka ee Trump

"Waxay la mid tahay in dadka eegaya, ay ku fikirayaan in aysan u socon in ay halis ku galaan xijaabka," ayey tiri.

"Looma dulqaadan karo isbarbardhigga waxa aynu nahay iyo sida aan u lebisaneyno".

"Waxaan dareemaayaa in hadda naceybka uu bulshada dhexdeeda ka noqday wax la isaga dulqaadan karo."

Faduma waxay sheegeysaa in ay dooneyso in gabdhaha kale ay ka caawiso in ay farxad dareemaan marka ay xijaabka xiran yihiin.

Kendyl Aurora

Kendyl Aurora waxay ku barbaartay kaniisadda Roman Catholic balse waxay Muslim noqotay markay 18-sano jirka ahayd.

Waxay sheegeysaa in ayeydeed ay ka walaacsaneyd nafsadeeda.

"Markaste waxay ka hadli jirtay mustaqbalkeyga, balse waxay i weydiin jirtay haddii anigoo Muslim ah aanan xiran karin xijaabka," ayey tiri Kendyl.

Kendyl waxay tilmaamtay in ayeydeed ay u sheegtay in ay joojiso xijaabka, balse ayada ay diiday.

Waxay ahayd "niyadjab", in ayeydeed ay iga fikirto, ayey tiri.

Mariana Aguilera

Mariana Aguilera, oo aasaastay barta Bandhigga dharka iyo hab nololeedka ee The Demureist, waxay u maleyneysaa in Donald Trump uu kala qeybsanaan ka dhex abuurayo bulshooyiinka Mareykanka.

"Waxaan dalkaan ku haynaa hogaamiye aan garaneyn sharciga iyo taaariikhda dalka," ayey tiri.

Mariana waxay tilmaamtay in ay dooneyso in taariikhda ay eegto si ay wax wanaagsan uga fikirto marka laga hadlayo dharka casriga ah.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan