Hogaamiyaha Jarmalka: Ma aaminsani in Turkiga uu ku biiro Midowga Yurub

Hogaamiyaha Jarmalka Angela Markel
Image caption Hogaamiyaha Jarmalka Angela Markel

Hogaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa ku celisay in ay aaminsan tahay in Turkiga ay tahay in uusan Midowga Yurub ku biirin.

Iyadoo la hadleysay xubno ka mid ah xisbigeeda, Merkel waxay sheegtay in go'aankeeda uusan isbedelin.

Angela Merkel ayaa fikirkaasi ku celcelineysay tan iyo sanadkii 2005-kii, waxayna diidan tahay in Turkiga uu xubin joogto ah ka noqdo Midowga Yurub.

Haweenaydan ayaa dooneysa in saaxiibtinimo iyo wada shaqeyn ay Turkiga la yeeshaan, balse aysan xubin ka noqon karin Midowga Yurub.

Waxay sidoo kale difaacday heshiiskii Midowga Yurub iyo Turkiga ee lagu yareynayay qulqulka qaxootiga Suuriya.

Haweenaydan waxaa kaloo ay ka hadashay hadallada Turkiga ee ka dhanka ah Jarmalka oo ay ku tilmaamtay inay yihiin kuwo aan la aqbali karin.

Angela Merkel waxay ka carootay hadallada madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan uu ku duray maamulkeeda iyo dalal ka mid ah Midowga Yurub.