Booliska Ugandha oo xiray macallimad cambaareysay marwada madaxweynaha

Stella Nyanzi Lahaanshaha sawirka other

Booliska dalka Ugandha ayaa sheegay in uu xiray macallimad eedeeysay marwada koobaad ee dalkaasi.

Macallimadda oo bare ka ah jaamacad ayaa baraha bulshada ku cambaareeysay xaaska madaxweyne Yoweri Museveni.

Afhayeen u hadlay booliska wuxuu sheegay in macallimada oo sidoo kale arrimaha bulshada u ololeysa in dacwad lagu oogay.

Stella Nyanzi waxaa lagu eedeeyay xadgudub iyo in ay gashay dembi dhanka xiriirka ah oo internet-ka ay marisay.

Horraantii bishan, Stella Nyanzi waxay cambaareysay Janet Museveni, oo ah marwada koobaad, sidoo kale ah wasiirka waxbarashada.

Waxay macallimadda daba socotaa ballanqaad dowladda ay sameysay xilligii ololaha doorashada.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan