Boris Johnson oo baajiyey safar uu Moosko ku tegi lahaa

Johnson Isniinta ayuu u safri lahaa Moosko Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Johnson Isniinta ayuu u safri lahaa Moosko

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain, Boris Johnson, ayaa baajiyey booqasho uu ku tegi lahaa Moosko, ayadoo ay weli taagan tahay xiisaddii ka dhalatay weerarkii hubka kiimikada ee Suuriya.

Boris Johnson oo lagu waday inuu Isniinta safro ayaa sheegay in xaaladdu ay 'aasaasiyan' is beddeshay, muhiimadiisana ay ahayd in la dhiso taageero caalami ah oo xabbadda lagu joojiyo.

Wuxuu sheegay in UK ay Ruushka ugu baaqday in uu sameeyo wax kasta oo karaankiisa ah oo 'xal siyaasadeed' looga gaarayo arrinta Suuriya.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Rex Tillerson, ayaa isagu sidii horeba loo sii qorsheeyey booqan doona Moosko, wixii ka dambeeya shirka G7 ay yeelan doonaan 10-11 April.

Ka dib shirka G7 ka ee dhex mari doona todobada dal ee dhinaca warshadaha ee dunida hore uga maray, ayuu Mr Tillerson u diri doonaa "Ruushka farriin cad oo isku xiran" sida uu yiri.

Booqashada Mr Johnson ee uu wadahadalka kula yeelan lahaa dhiggiisa Ruushka, Sergey Lavrov, ayaa noqon lahayd tii ugu horraysay ee xoghaye arimo-dibadeed ka socda UK uu halkaa ku tago muddo 5 sano ah.

Hogaamiyaha Liberal Democrat-ka Tim Farron ayaa sheegay in baaqashadaas uu micnaheedu yahay in Mr Johnson uu "isaga qudhiisu isu muujiyey inuu dabadhilif u yahay Washington, oo qorshihiisa laga maamulo biyaha dhinacooda kale".

Qof gacan yare u ah Mr Johnson ayaa sheegay inay "ceeb ku tahay xisbigaas in la iska hantaataco oo la nacasoobo, ayadoo Maraykanka iyo UK ay isku dayayaan inay ka shaqeeyaan qorshe lagu caawinayo dadka aan waxba galabsan ee suuriya, laguna joojinayo dagaalka sokeeye".