Sacuudiga oo dhisaya magaalo madadaalo

Magaalada ayaa laga dhisi doonaa meel Riyaad (sawirka) geeskeeda ah Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Magaalada ayaa laga dhisi doonaa meel Riyaad (sawirka) geeskeeda ah

Sacuudi Caraabiya ayaa daboolka ka qaadday qorshe ay kaga dhisayso magaalo madadaalo duleedka Riyaad, taasoo 50 goor ka weynaan doonta Gibraltar.

Waxaa laga samayn doonaa dhul 129 Mayl oo isku wareeg ah ku fadhiya, oo baaxadiisu lagu qiyaasay Las Vegas, halkaasoo laga heli doono madadaalo, isboorti iyo dhaqan, waxaana ku jira barxado waaweyn oo qalabka lagu cayaaro oo dhan ay yaallaan iyo goobo lagu daawado duurjoogta.

Waxaa la sheegay inay noqon doonto tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee dunida laga sameeyo.

Dhismaha ayaa billaaban doona horraanta sannadka soo socda, waxaana wejigeeda 1aad uu dhamaan doonaa wixii loo gaaro 2022.

Aragtida 2030, oo sannad ka hor uu ku dhawaaqay, amiirka dhaxalka leh, amiir Maxamed bin Salmaan, ayaa looga gol-leeyahay in la helo ilo kale oo dhaqaale, oo la yareeyo ku tiirsanaanta saliidda boqortooyadaas, ayadoo la abuurayo mashaariic kale.