Qoyska wariye Coldoon oo ka hadlaya xukunkii maxkamadda
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qoyska wariye Coldoon oo ka hadlay xukunkii maxkamadda

Maxkamad ku taalla magaalada Hargeysa ayaa ku xukuntay 2 sano oo xarig ah wariye samafalka ka shaqeenayay oo la yiraahdo Cabdimaalik Muuse Coldoon, ka dib markii lagu eedeeyay dambiyo ay ka mid yihiin inuu ku xadgubay nidaamka u yaalla Somaliland.

Wariye Coldoon ayaa bartamihii bishii Febraayo lagu xiray Hargaysa, in yar ka dib markii uu ka soo laabtay magaalada Muqdisho.

Qoyska Coldoon ayaa waxaa ay sheegeen in ay racfaan ka qaadan doonaan go'aanka maxkamadda.

Mubaarak Muuse Coldoon waa nin ay walaalo yihiin Cabdimaalik Muuse Coldoon, Wuxuuna aragtidooda ku saabsan xukunkaas uga warramay weriyaha BBC-da Bashiir Maxamed Caato.